Hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shalay si rasmi ah xariga uga jaray shaybaarka qaran ee waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da.
Mr. Kenyatta oo hadal ka jeediyay xarunta waaxdan ee ismaamulka Nairobi ayaa sheegay in qaybta uu maanta daahfuray ay tahay mid casri oo si wayn u qalabeysan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay saraakiisha DCI-da ka caawin doonto inay baaritaano qoto dheer ku sameyaan falal dambiyeedyada culus.
Waxaa uu intaasi ku daray in xaruntan oo hirgelinteeda ay ku baxday lacag dhan 4 bilyan oo shilin ay gacan ka gaysan doonto in baaritaannada ay noqdaan kuwo caddeymo wax ku ool ah ku saleysan.
Sidoo kale shaybaarka ayaa fududeyn doono in dabagal lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo dhacdooyinka oo si degdeg ah loo aqoonsado eedeysanayaasha ku lugta leh iyadoo loo marayo siyaabaha caalamka laga oggolyahay.
Mr. Kenyatta waxaa uu tilmaamay in waaxda dambi baarista dalka ay hadda ka dib haleeli doonto halbeegyada iyo dhaqamada caalamiga ee dhanka sugidda ammaanka.
Hoggaamiyaha dalka waxaa uu xusay in ciidamada booliska aan lagula kici doonin eedeymo waxba kama jiraan ah oo horay loogu jeedin jiray.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in isticmaalka shaybaarka casriga ee baaritaannada ay ka hor tag u noqon doonto dambiyada sida dilalka, dhaca awoodda loo adeegsado , kuwa abaabulan ee isaga gudbo xuduudaha oo ay ka mid yihiin argagixisada ,ka ganacsiga daroogada, hubka sharci darrada ah, badeecooyinka kontarabaanka a iyo beegsiga duurjoogta.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in labaatankii sano ee ugu dambeeyay uu isbeddel wayn ku yimid qaababka loo fuliyo dembiyada.
Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay in falal dambiyeedyada lagula tacaali doono qaybta cusub ee uu maanta furay ay ka mid tahay dhaca xeeladeysan ee dadweynaha loogu gaysto taleefoonnada gacanta iyadoo qofka lagu wargelinaya inuu lacag ku diro nambar gaar ah.
Waxaa uu xusay inuu aad ugu qanacsan yahay isbeddellada dhinaca amniga ee ay dowladdu sameysay sida la socodka dhaqdhaqaaqa magaalooyinka waawayn iyadoo la isticmaalaya kameerada qarsoon ee CCTV-da.
His Excellency President Uhuru Kenyatta, unveils the commemorative plaque as he presided over the official opening of the DCI National Forensic Laboratory. With him is the Chief Justice and President of the Supreme Court, Hon Lady Justice Martha Koome, pic.twitter.com/Ap5UahFG7N
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) June 13, 2022