Ku dhawaad hal milyan oo carruur ah oo ay nafaqo darro haysato

0
562

Maamulka qaran ee maareynta abaarta ee NDMA ayaa sheegay in ku dhawaad hal milyan oo carruur ah ay wajahayaan nafaqo darro aad u daran.
Carruurtan ayay da’doodu u dhexeysa 6 ilaa 59 bilood.
NDMA ayaa warbixinteeda ku sheegtay inay ka sii dartay xaaladda abaarta ee ka jirta 19 ka mid ah 23 ismaamul oo lagu tilmaamo oomane ama ASALs.
Carruurta nafaqada u baahan ayay tiradoodu tahay 942,000 halka tirada haweenka ee uurka ah ama carruurta nuujinaya ee dhibaatadan ay haysato ay tahay 134,000.
Tani ayaa loo aaneeyay abaarta daba dheeraatay ka dib markii la waayay ama ay yaradeen roobabkii la rajeynayay bilooyinkii la soo dhaafay.
Tirada dadka u baahan caawimaad dhanka cunnada ah gudaha wadanka oo bishii Shanaad ahayd 3.5 milyan oo qof ayaa hadda maraysa 4.1 milyan.
Ismaamullada ay saameynta ugu badan ee abaarta ka jirta waxaa ka mid ah Laikipia, Mandera, Marsabit, Wajeer, Isiolo iyo Samburu waxaana soo raaca Kilifi, Turkana, West-Pokot, Kwale, Meru (North), Embu (Mbeere), Garissa, Kajiado, Kitui, Nyeri (Kieni), Taita-Taveta, Tharaka-Nithi iyo Tana-River.