Maxaa William Ruto u qorsheysan haddii looga guuleysto doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad?

0
710

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa sheegay inuu aqbali doono natiijada ka soo bixi doonto doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
William Ruto oo wareysi gaar ah siisay telefishinka maxalliga ee NTV ayuu sheegay in wax wayn ay tahay in kenyaanka uu ugu adeegay isagoo ah ku xigeenka madaxweynaha dalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in malaayiin Kenyan ah aysan helin fursad sidaan oo kale ah, sidaas darteedna ay tahay arrin ugu mahadcelinaya muwaadiniinta.
Ruto ayaa xusay in intii karaankiisa ah uu u soo adeegay qaranka, islamarkaana uunan ka shallayn doonin shaqadii uu soo qabtay.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu wakhti la qaadan qoyskiisa iyo carruurta uu awoowaha u yahay haddii looga guuleysto hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Waxaa uu carrabka ugu dhuftay in haddii laga guuleysto inuusan abaabulin doonin wax mudaaharaad ah iyo rabshado.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aanka kama dambeyska ah ee cidda xigta ee qabanaysa talada wadanka ay leeyihiin codbixiyeyaasha kenyaanka ah sidaas awgeedna ay ku qasban yihiin oggolaanshaha natiijada.