DHAGEYSO:Kenya oo sheegtay in dhoofinta qaadka ee Soomaaliya la bilaawi doono labo toddobaad ka dib

0
451

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.
Waxaa sidatan maanta sheegay wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Peter Munya oo warbaahinta la hadlay.
Mr. Munya ayaa sheegay in wadaxajoodyada arrintaa ku aaddan la soo afjaraya dhawaan, islamarkaana labo toddobaad ka dib loo furi suuqa ganacsiga qaadka ee loo iibgeeyo Soomaaliya islamarkaana la saxiixi doono heshiis rasmi ah.
Waxaa uu uga mahadceliayay maxadweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo arrintan wadahadal kala yeeshay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa madaxweynayaashii ka qaybgalay xafladdii caleema saarka ee Xasan Sheekh ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.
Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Peter Munya ayaa ka dalbaday ganacsatda qaadka ee Kenya inay is diyaariyaan madaama loo furi doono suuqa Soomaaliya.
Kenya ayaa sheegtay in qaadka laga dhoofin doono ismaamulka Isiolo oo ay u dhow yihiin beeraha qaadka lagu beero.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda beeraha ee Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya loo oggolaan doono in kalluunkeeda ay u suuqgeyso Kenya.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dal ku galka loo fududeeyn doono Soomaalida Imaaneysa Kenya.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu yiri wasiirka beeraha ee Kenya.

Dowladdii Farmaajo ayaa hakisay duullimaadyada qaadka ee Kenya sanadii 2020-ka sababa la xiriira xanuunka Covid-19, balse xayiraadaasi ayaan la qaadin iyadoo ay jireen khilaaf dhinaca diblomaasiyadda oo u dhexeyay labada dal.