Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Soomaaliya Marwo Fowsia Abiikar Nuur ayaa sheegtay in cudurka Covid 19 xilligaan uu Saamayn weyn ku hayo Soomaaliya ayna adag tahay xaaladda hadda taagan.
Wasiir Fowsia ayaa sheegtay in qalabka neefsashada dadka Xanuunsan ka Caawiya uu gabaabsi yahay dadka Cudurku soo ridanayana ay sare u sii kacayaan Waxayna baaq u dirtay Ganacsatada iyo Cidkasta oo garab istaag dowladda siin karta xilligaan adag ee lagu jiro.