DHAGEYSO:Waaxda dambi baarista oo soo dhaweysay xabsi daa’in lagu xukumay dad dhac gaystay

0
339

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa soo dhaweysay xukun xabsi daa’in ah oo ay maxkamaddu ku ridday labo qof oo dhac gaystay iyagoo awood adeegsanaya.
Dadkan ayaa 25-kii bishii Lixaad ee sanadkii 2020-kii ay duubtay kameerada qarsoon ee CCTV-da xilli ay nin dhac u gaysanayeen iyagoo hub adeegsanaya.
Dhacdadaasi ayaa laga soo tabiyay agagaarka waddada Rose Avenue ee xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi.
Labada qof ee ay maxkamaddu xukuntay ayaa lagu kala magacaabaa Humphrey Minyatta iyo Timothy Muzami .
Garsoore Zainabu Cabduul ayaa sheegtay in labada eedeysane lagu caddeeyay inay kombiyuutar iyo waxyaabo kale oo uu qiimahoodu yahay ku dhawaad 400,000 ay ka qaateen Paul Sewe Momanyi.

DCI-da ayaa qoraal ku sheegtay in xukunka uu yahay mid ay ku cibra qaadan karaan shakhsiyaadka damacsan falalka noocani ah.