Waxaa lagu soo warramayaa in koox hubeysan oo jihaad-doon ah ay waqooyiga bari ee dalka Nigeria ku dileen in ka badan 23 ruux.
Tani ayaa ah rabshadii ugu dambeysay ee saameysa gobolka Borno .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu dhacay Talaadadii balse maanta la xaqiijiyay caqabad dhanka isgaarsiinta awgeed.
Dagaalyahaanada garabka ISIS ee galbeedka Afrika ee (ISWAP) ayaa weerarka ka gaystay tuulada Magdala ee degmada Dikwa.
Qaramada Midoobay ayaa laga soo xigtay in falalka noocani ah ay tan iyo sanadkii 2009-kii waqooyiga bari ee Nigeria ugu dhinteen in ka badan 40,000 oo qof halka ay guryahooda ka barakaceen ilaa 2 milyan oo ruux.