SAWIRRO:Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo diyaarad milateri ku yimid magaalada Muqdisho

0
547

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qaybgalo Munaasabadda Caleema saarka Maxadweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda.
Mr. Kenyatta ayaa si ka duwan Madax kale ku yimid Caasimadda Muqdisho, wuxuuna Uhuru soo raacay diyaarad nooca Milateriga ah oo ka soo qaadday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Muqudisho ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxweynaha Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha Masar iyo Madax farabadan, kuwaasi oo ka qayb galaya Munaasabadda Caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta dhaceysa.