DHAGEYSO:Madaxa ODM iyo guddoomiyaha aqalka sare oo ka hadlay BBI

0
531

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa mar kale carrabka ku dhuftay in hindisaha sharci beddelka ee la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka ee BBI uu bulshada u leeyahay faa’iidooyin badan.
Waxaa uu difaacay in dasturka wax laga beddelo isagoona dhaleeceyn u jeediyay kuwa qorshahan ka soo horjeeda.
Waxaa uu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka intaa ku daray in kuwa diidan geddisocodka wax ka beddelka dasturka aysan ka warqabin waxyaabaha ku jira BBI.
Madaxa ODM ayaa hoggaamiyaasha ku booriyay in ay joojiyaan marin habaabinta shacabka kenyaanka ee ka dhanka warbixinta BBI.

Hadalkan ayuu shalay ka jeediyay aaska hooyada barasaabka ismaamulka Bungoma Wycliffe Wangamati.
Dhanka kale guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Ken Lusaka ayaa sheegay in senate-ka la soo gaarsiiyay 38 ka mid ah nuqullada BBI ee wakiillada goleyaasha hoose ee ismaamullada dalka ee dhawaan ansaxiyay geddisocodka sharci beddelka.