Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya, Raila Odinga ayaa soo jeediyay in la soo dhiso qayb qaabilsan la socodka isticmaalka waddooyinka waawayn ee dalka.
Waxaa uu ku talinaya in qaybtan ay hoos tagto waaxda qaran ee adeegga booliska.
Raila ayaa sheegaya in tani ay fududeyn doonto dhaqangelinta xeerarka taraafikada si loo yareeyo shilalka ka dhaca waddooyinka waawayn.
Shalay ayay ahayd markii shil laga soo tabiyay waddada wayn ee xiriirisa Thika iyo Garissa ay ku dhinteen ilaa toddobo qof.