DHAGEYSO:Baarlamaanka oo lagu dhaliilay kordhinta deymaha ay dowladdu qaadan karto

0
369

Waxaa isa soo taraya dareenka ay dadweynaha ka muujinayaan tallaabo uu golaha xeer dejinta ee dalka ku kordhiyay qiimaha deynta shisheeye ee ay qaadan karto dowladda dhexe.
Tani ayaa timid ka dib markii uu baarlamaanka ansaxiyay soo jeedin ka timid wasaaradda maaliyadda oo ahayd in loo oggolaado qaadashada deyn dhan 10 Tiriliyoon oo shilin.
Hasa ahaate mid ka mid ah dadweynaha deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru ayaa sheegay in tani ay tahay culeys dheeraad oo dadweynaha la saaraya oo aan laga fiirsan .

Audio Player

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Amos Kimunya ayaa shalay sheegay in ansaxinta soo jeedinta , ay wasaaradda maaliyadda u suurtagelin doonto inay qaadato amaah dhan 846 bilyan oo shilin.
Lacagtan ayaa lagu kabayaa gaabadka miisaaniyadeed ee dalka ka jiro.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa khudbadii 1-dii bishan June ee maalinka Madaraka Day ka sheegay inaysan qalad ahayn in dowladdu ay dayn qaadato.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay isweydiinta sababaha deymaha loo qaato oo ah fulinta mashaariicda horumarineed.
Uhuru oo go’aanka maamulkiisa difaacaya ayaa sheegay in amaah qaadashadu aynan u wanaagsanayn keliya waddan ay hoggaamiyaan shakhsiyaad dhaca hantida dadweynaha.