Dowladda oo joojisay deegaamaynta Waqooyi Bari

0
662

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa shaaciyay amar cusub oo lagu joojinaya in degmooyin cusub oo dhanka maamulka ah laga hirgeliyo gobolladda waqooyi bari iyo bariga wadanka.
Waxaa uu sheegay in tuulooyin ama xaafado cusub oo bulshada loogu adeegaya aan laga sameyn karin labada gobol ilaa iyo doorashada guud ka dib.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Isiolo ayuu wasiir Matiangi hoosta ka xarriiqay in tallaabadan ay tahay mid looga hor tagaya iskudhac bulsho.
Waxaa uu ku celceliyay in maadaama la joogo xilli siyaasadeed ay suurtagal tahay in siyaasiyiinta qaar ay iska horkeenaan dadweynaha iyagoo ku ololeynaya deegaamayn cusub.
Amarka wasaaradda waxaa qayb ka ah jaangoynta xuduudaha ismaamullada iyo bixinta dhulalka .
Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa walaac ka muujiyay in arrimaha xuduudaha ay noqdeen kuwo la siyaasadeeyay.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay soodhinta u dhexeysa dowlad deegaannada dariska ah ee Meru iyo Isiolo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay iskudhacyo horay u saameeyeen qaar ka mid ah ismaamullada xuduudda wadaaga sida Meru-Isiolo, Meru-Tharaka Nithi, Isiolo-Garissa, Kitui-Tana River, Makueni-Taita Taveta iyo Makueni-Kajiado in kastoo mararka qaar lagu dagaallamo kheyraadka.