Warbaahinta oo lagu boorriyay inay dhexdhexaad ka noqoto arrimaha doorashada

0
313

Golaha warbaahinta dalka ee (MCK) ayaa warfidiyeennada kula taliyay in tabinta ololaha siyaasadeed ee ku aaddan doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad aynan garab gaar ah kula safan.
Madaxa fulinta ee MCK David Omwoyo ayaa baaqan soo saaray.
Waxaa uu sheegay inay qasab tahay in warbaahinta ay mar waliba ka madax bannaanato eexasho.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu mid ka mid ah shirkadaha warbaahineed ee wadanka uu ku eedeyay inaysan dhexdhexaad ka ahayn qaabka ay u tabiso wararka la xiriira ololaha siyaasadeed ee musharraxiinta kala duwan.
Omwoyo ayaa warbaahinta u soo jeediyay inaysan dhaliishan fududeysan oo ay ka fogaato wax waliba oo dhaawacaya xirfaddan.