Xisbiga UDA oo warqad u qoray sirdoonka wadanka

0
345

Xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa warqad u qoray waaxda adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.
Warqadda ayaa ku saabsan hadal uu dhawaan jeediyay xoghayaha joogatada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Karanja Kibicho.
Mas’uulkan ayaa wareysi uu bixinayay ka sheegay inay jirto xog sirdoon oo muujinaysa in 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan , musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga uu ku guulaysan doono boqolkiiba 60 ee codadka doorashada.
UDA oo uu matalaya qareen lagu magacaabo Elias Mutuma, ayaa dalbatay in NIS ay arrintan uga soo jawaabto muddo 14 cisho gudahooda ah.
Waxaa uu xisbigu sheegay in hay’adaha amniga ee dowladda looga baahan yahay inay ka madax bannaanaadaan ama aan lala xiriirin natiijada ka soo bixi karto codeynta guud.