SAWIRRO:Madaxweyne Soomaaliya oo tegay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaasi

0
534

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi, halkaas oo ay ku sugan yihiin Saraakiil iyo Ciidamo farabadan oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ujeedka kormeerka Madaxweynaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa lagu sheegay in uu u kuurgalayay hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa kulama duwan la qaatay taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaannada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo oo ka wada hadlay amniga guud ee dalkaasi iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.
Waxaa uu kula daraarmay saraakiisha Ciidamada inay u diyaar garoobaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobollada dalka Soomaaliya iyo si loo xaqiijiyo Amniga Guud ee wadanka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilligii uu ku jiray ololaha doorashada waxaa uu sheegay in uu muhiimadda koowaad uu siin doono amniga dalka iyo la-dagaalanka Al-Shabaab, waxaana kormeerkaan uu yahay midkii ugu horreeyay ee uu ku tago Wasaaradda Gaashaandhigga tan iyo markii la doortay.
Kormeerka madaxweynaha Soomaaliya ee wasaaradda gaashandhigga ayaa ku soo aadaya iyadoo 9-ka bishan la caleemi saari doono.