SAWIRRO:Xukun dil ah oo lagu fuliyay ninkii Baydhabo ku dilay haweeneydii ganacsatada ahayd

0
482

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in xukun dil ah lagu fuliyay nin lagu helay inuu dilay haweeney ganacsato ahayd ka dibna uu ku riday boosaneer gurigiisa ku yaalla.
Maxkamadda Gobolka Bay ayaa dil ku xukuntay Maxamad Goomey ka dib markii uu si ula kac ah u dilay Aamina Malaaq Mukhtaar.
Aamina ayaa la waayay galabtii Jimcaha, waxaase maalinka Axadda meydkeeda laga helay boosaneer ku yaala xaafad ku taalLa Baydhabo, halkaas oo ah meesha lagu dilay.
Dilka ninka dambiga lagu helay ayaa ka dhacay meel fagaare ah, waxaana joogay boqollaal qof oo ah dadka degan Baydhabo.