Jimi Wanjigi oo loo diiday inuu u tartamo hoggaanka ugu sarreeya ee wadanka

0
424

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa ka hor istaagay ganacsadaha lagu magacaabo Jimi Wanjigi inuu ka mid noqdo musharraxiinta madaxweyne ee doorashada 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Jimi Wanjigi oo ah musharraxa madaxweyne ee xisbiga Safina ayaa ku guuldaraystay in uu soo bandhigo nuqul ka mid ah shahaadadisa waxbrashaha ee Degree.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati, ayaa laga soo xigtay in Wanjigi uu sidoo kale ku guuldareystay inuu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka uu u gudbiyo saxiixyada 48,000 oo taageerayaal ah ee loo baahnaa.
Wanjigi ayaa dhanka kale guddiga IEBC ku eedeyay inuu doonayo  in uu xadido liiska musharrixiinta ee hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.