Dowladda Kenya ayaa hormuud ka noqotay dadaalkii ku aaddana in Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC ay ka mid noqoto xubnaha Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa laga soo xigtay in tallaabadan awgeed tirada dadka ka adeegta suuqyada ka dhexeya waddamada EAC ay korortay ilaa 300 oo milyan oo qof.
Tani ayuu xusay inay shirkadaha dalka u abuurayso fursado ganacsi.
Sidoo kale waxaa uu madaxweyne Uhuru Kenyatta sheegay in bangiga Equity uu hadda yahay midka labaad ee ugu wayn dalka DRC.
Dhanka kale madaxweynaha dalka ayaa tilmaamay in lacagaha ay dibadda ka soo diraan qurba joogta kenyaanka ah ay sanadkii hore ahaayeen in ka badan 400 oo Bilyan oo shilin.