Tan iyo sanadkii 2013-kii xilligaasi oo uu dalka ka dhaqan galay nidaamka dowlad wadaajinta waxay dowladda dhexe ku wareejisay ismaamullada lacag dhan 2.44 Tiriliyoon oo shilin.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta xilli uu shalay khudbad ka jeediyay xuska sanadguuradii 59-aad ee ka soo wareegatay markii ay Kenya qaadatay madax bannaanida.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay inay farxad u tahay inuu noqday madaxweynihii soo dhaweeyay sidoo kalena xoojiyay nidaaamka maamul daadajinta.
Waxaa uu tilmaamay in isbeddelka dhanka horumarka ee uu horseeday hannaankan in hadda laga dareemayo Makueni ilaa Mandera, Busia ilaa Bungoma, Mombasa ilaa Meru, Lamu ilaa Laikipia iyo Turkana ilaa Tharaka-Nithi.