Puntland oo Ciidamo fara badan ku daadisay Magaalooyinka waa weyn

0
533

Wasaarada Amniga Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta waxay Ciidamo farabadan ku daadisay wadooyinka waaweyn ee Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.
Ciidamada oo qaarkood wata gaadiidka dagaalka ayaa waxay baaritaano ku sameynayaan Gaadiidka iyo dadka saaran ee wadooyinka gudbaya, waxaaana sidoo kale mararka qaar ay baarayaan dadka wadooyinka lugeynaya.
Dadka ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamadan maalin ka hor wadooyinka Boosaaso la geeyay, si ay uga hortagaan banaanbax la sheegay inay suurogal tahay inuu ka dhaco Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari iyo deegaanada kale ee hoosyimaada,Banaanbaxaan ayayna wararku sheegayaan in lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Maanta lagu daadiyay wadooyinka Magaalada Boosaaso ayaa waxay saameyn ku yeesheen isku socodka dadka iyo gaadiidka maadaama ay baaritaano sameynayaan.
Laamaha Ammaanka ee Gobolka Bari ayaa shalay ka digay in Banaanbax la sameeyo, iyagoo sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin isku imaatin sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.