Mudanaha laga soo doortay kursi baarlamaneedka Garissa Township ee ismaamulka Garissa Aadan Barre Ducaale ayaa si rasmi ah xariga uga jaray dabaq cusub oo loo dhisay machadka hablaha ee Xafsa Binti Siiriin ee ku yaallo maagalada Garissa.
Waxaa uu xildhibaanka sheegay in muddo sanado gudahooda ah dadaal badan la geliyay hirgelinta mashruucan isagoo u mahadceliyay hooyooyinka barnaamijkan diimeed fuliyay.
Dhanka kale maamulaha machadka Xafsa Binti Siiriin , Farxiya Ashkir ayaa faahfaahisay qaabkii loo dhisay dabaqan iyo weliba dadkii ka qeyb qaatay oo ay u mahadnaqday.