Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan (Taliye SHubka) ayaa sheegay in rag Siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ay Magaalada Muqdisho ka wadaan qorsho ay ku doonayaan in xilka looga tuuro Madaxweynaha maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen).
Xildhibaanka oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Baydhabo ayuu sheegay in ciddii rabta inay meesha ka saarto Madaxweyne Laftagareen markii xilkiisa uu dhammaado ay tallaabadaas qaaddo, balse ay ogaadaan dhibaatada ay leedahay in maamul dhisan la burburiyo sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka abaabulka wada ay yihiin dad ka yimid dalka dibaddiisa, kuwaas oo aan ogeyn dhibaatada loo soo maray dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay inay la dagaalami doonaan cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso dowladda maamulkaasi.
Hadalka Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadaya xilli dalka loo doortay Madaxweyne Cusub, islamarkaana uu meesha ka baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo si wayn u taageeri jiray Maamulka Koonfur Galbeed kana qayb qaatay doorashadii Madaxweyne Cabdicasiis Maxamad, (Laftagareen).