Maxkamadda sare ee dalka laanteeda deegaanka Kabarnet ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Mr. Justin Muturi iyo dhigiisa aqalka sare Ken Lusaka ka hor istaagtay in ay tixgeliyaan go’aankii wakiillada ismaamulka Baringo ay dhinac isaga dhigeen hindisaha sharci beddelka ee BBI.
Waxaa go’aankan ku dhawaaqay garsoore Justus Momanyi.
Xaakinka ayaa cuskaday dacwad ay gudbiyeen 6 qof oo saddex ka mid ah ay yihiin wakiillada deegaannada hoose ee Baringo.
Kiiska arrinkan ku aaddan ayuu ku wareejiyay sii hayaha xilka madaxa cadaaladda ee dalka Philomena Mwilu.
Waxaa uu Mrs. Mwilu ka codsaday in ay soo magacawdo guddi garsoorayaal oo ka kooban saddex ama shan xubnood si ay go’aan kama dambeys ah u soo saaraan.