Wasaaradda caafimaadka oo codsatay 1.4 bilyan oo shilin

0
409

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in ay u baahan tahay dhaqaale dhan 1.4 bilyan oo shilin ay ay u soo iibsato qaboojiyayaal lagu kaydinayo tallaalka cudurka COVID-19.
Codsiga ku aaddan lacagtan ayaa loo bandhigay wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka.
Madaxa guddiga loo xilsaaray qaybinta tallaalka corona,Dr. Willis Akhwale ayaa hoosta ka xarriiqay in agabka hadda ay haystaan wax lagu kaydin karo iyada oo heer kulku yahay 20 degriis balse ay u baahan yihiin ilaa 70°C degrees Celsius.
Xilli uu ka qayb galay kulan uu soo qaban qaabiyay ururka caafimaadka ee dalka ayuu Dr. Akhwale xusay in ay qorsheynayaan helidda agab la gelin karo ilaa 20 milyan oo ah jubadaha ay daawooyinka ku jiraan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in lacag dhan 34 bilyan oo shilin lagu qarash gelin doono in boqolkiiba 30 ee Kenyaanka la gaarsiiyo tallaalka ka dhanka ah COVID-19 .