Ciidanka DF oo gacanta ku dhigay sarkaal la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada

0
382

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 14-aad ee guutada 14-ka Oktoobar ee ka howlgala magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa soo bandhigay sarkaal ay sheegeen inuu Al-shabaab u qaabilsana qaraxyada.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa magaciisa ku sheegay ninka gacanta lagu soo dhigay Aweys Mayow Eelaay oo ay tilmaameen inuu yahay madaxii qaraxyada Al-shabaab u qaabilsana magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.
Waxaa ay sidoo kale saraakiisha sheegeen in ciidanku qabteen sarkaalkan Shabaabka ah xilli uu ku howlanaa Aasitaanka miino, islamarkaana ay hadda ku wadaan baaritaan dheeraad ah.
Waxaa ay intaasi ku dareen in ninkani hooygiisa laga soo qabtay qaraxyo isugu jira bamba gacmeedyo iyo Miinooyin kala duwan oo u badan nooca dhulka lagu aaso.