Baraha bulshada Soomaalida waxaa xalay si wayn u qabsaday sawirrada gabadh lagu magacaabo Samiira Naasiir oo loo magacaabay taliyaha booliska degmada Shibis ee gobolka Banaadir.
Samiira Naasir oo ah gabadh dhallinyaro ah oo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa loo magacaabay taliyaha booliska ee degmada Shibis, sida ay baahisay warbaahinta Dowladda.
Waxaa xilkan u magacaabay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. Xijaar.
Baraha bulshada Soomaalida ayaa si wayn u qabsaday sawirrada Samiira Naasir.
Samiira Naasir oo ah gabar dhallinyaro ah ayaa ka timid dalka Norway oo ay ku soo barbaartay waxna ku soo baratay, Waa 23 jir ciidanka booliska ku soo biirtay sanadkii 2016-kii.
Dadka isticmaala baraha bulshada gaar ahaan ragga ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay Samiira iyo xilka loo magacaabay.
Ragga falcelinta sameynayay qaarkood ayaa sheegay in Samiira Naasir ay tahay gabar qurux badan oo aan habbooneyn inay ka mid noqoto ciidamada, taas bedelkeedna ay ku wanaagsan tahay in nolosha lala qaybsado, qaar kale ayaa ku kaftamay in haddii la xirayo ay doorbidi lahaayeen in la geeyo saldhigga Booliska Shibis si ay fursad ugu helaan inay la haasaawaan ama shukaansadaan Samiira.
Qaar kale oo Dadka falcelinta sameynayey ka mid ahaa ayaa isweydiinayay waxa Samiira ka keenay dalka Norway oo ay ku haysatay nolol sare iyo fursado kale, ayna uga door biday inay ciidan ka noqoto dal halis ah oo maalin walba ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo.
Hase ahaatee Dumar badan oo falcelinta qayb ka ahaa ayaa qabay fikir kuwaaas ka duwan, waxayna ku amaaneen Samiira sida geesinimada leh ee ay ugu biirtay ciidanka ayna taliye ugu noqotay rag badan oo ka tirsan Booliska.
Samira Nasir, a youthful female Police officer has been appointed as the commissioner of Mogadishuโs Shabis district Police Station.#Somalia pic.twitter.com/FwAQKgTgxd
— Radio Muqdisho (@RadioMuqdisho) May 21, 2022
@SamiraNasir The new commissioner of Mogadishu's Shibis district police station. Her appointment came as surprise due to patriarchal society. He photos were widely circulated in the digital platforms and went viral. pic.twitter.com/IAxRurFOuB
— Dr.Mohamed Hussein Mentalist ๐ธ๐ด๐บ๐ธPhD. (@caaqilyare33) May 21, 2022