Dowladda dhexe ayaa amar ku bixisay in la xiro goob laga soo saaro dahabka oo ku taalla aagga loo yaqaano Kom ee ismaamulka Isiolo.
Tallaabadan ayaa fududeyn doonto in baaritaan qoto dheer la sameeyo.
Waxaa amarkan shaaciyay guddoomiyaha dowladda dhexe halkaasi ku matalo Geoffrey Omoding .
Mas’uulkan ayaa xusay in macdan qodotada ay adeegsanayaan agab culus iyagoo aan tixgelin saameynta ay arrintan ku yeelan karto deegaanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in cid kasta oo goobtaasi ka shaqeysa ay howshaasi joojiso ilaa iyo inta maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA uu ka soo gabagabeynaya baaritaannada uu sameyn doono.