Madaxweynaha Ukraine oo ka mahadceliyay deeq uu Maraykanka u ansaxiyay

0
330

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa xubnaha aqalka sare ee Maraykanka uga mahadceliyay ansaxinta taageero dhaqaale oo dhan 40 bilyan oo doolar taasoo ay xukuumadda Washington ugu deeqday dalkaasi.
Tallaabada uu qaaday aqalka sare ayuu ku tilmaamay mid muujinaysa hoggaan adag iyo sida loogu baahan yahay in si siman loo difaaco cadaaladda.