Dhimashada ka dhalatay iskudhacyada maxaabiista Ecuador oo korortay

0
458

Waxaa sare u sii kacday dhimashada ka dhalatay isku dhacyo dhex maray maxabiista wadanka Ecuador iyada oo gaartay 79.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dagaallada iyo rabshado xigay laga soo tabiyay saddex xabsi.
Tani ayaa keentay in boqolaal ka mid ah ciidamada booliska iyo militariga oo dheeraad ah la howlgeliyo.
Iskudhacyada ayaa u dhexeyay kooxo iska soo horjeedo.
Madaxweynaha dalka Ecuador Lenin Moreno ayaa dhacdooyinkan iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay ku tilmaamay kuwo murugo leh.