Wasaaradda shaqaalaha ee dalka ayaa waaxyaha dowladda dhexe la saxiixatay heshiis ku saabsan waxqabadka laga doonayo howlwadeennada bulshada u adeego.
Heshiiskan ayaa waxaa qalinka ku wada duugay wasiirka shaqaalaha Simon Chelugui , sanduuqa howlgabka ee (NSSF), maamulka qaran ee tababarrada dhanka warshadaha ee (NITA) iyo maamulka qaran ee shaqaaleysiinta ee (NEA).
Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan looga gol-leeyahay wanaajinta qaabka loo bixiyo adeegyada bulshada.
Sidoo kale Simon Chelugui ayaa xusay in heshiiskan uu jiheyn doono hay’adaha dowladda marka la eego dhaqangelinta barnaamijyada , xeerarka iyo mashaariicda ku qotomo sanad maaliyadeed kasta.
Home Wararka Kenya Wasaaradda shaqaalaha oo heshiis dhanka waxqabadka ah la saxiixatay hay’adaha dowladda