Dowladda Soomaliya oo joojisay qabashada codsiyada Cusub ee baasaboorka

0
590

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in gebi ahaan si kumeel gaar ah loo hakiyay qabashada codsiyada baasaboorka.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la ogeeysiiyay Shacabka Soomaaliyeed ayaa sababta go’aankaas lagu sheegay arrimo la xiriiro khatarta Cudurka Coronavirus.
“ Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe aya lagu yiri” Qoraalka Hay’adda.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay si tartiib tartiib ah u qaadeysay tallaabooyin looga hortagayo faafitanka cudurka COVID-19 oo kiisas badan laga helay Soomaaliya dad badan oo Caan ahaana ugu geeriyoodeen Magaalada Muqdisho.