Guddiga doorashooyinka ee dalka Niger ayaa ku dhawaaqay in musharaxii xisbiga talada hayay ee wadankaas Maxamad Bazoum loo doortay madaxweyne.
Waxaa uu Bazoum helay boqolkiiba 55.75 ee codadkii la dhiibtay .
Doorashada guud ee Niger ayaa dhacday 21-kii bishan labaad.
Waxaa uu loolanka siyaasadeed ee uu ku soo baxay kaga adkaaday madaxweynihii hore ee dalkaas Mahamane Ousmane oo helay boqolkiiba 44.25 ee codadkii la tiriyay.
Natiijada ka soo baxday doorashada waxaa shaaciyay Issaka Souna, oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Niger.
Madaxweynihii wadankaas hoggaaminayay Maxamadou Issoufou ayaa sheegay in uu talada si fudud ku wareejin doono.