Mike Sonko oo si rasmi ah loogu wareejiyay tikitka xisbiga Wiper

0
394

Barasaabkii hore ee Nairobi Mike Sonko ayaa khamiista maanta ah si rasmi loogu wareejiyay tikidhka xisbiga Wiper si uu ugu tartamo kursiga barasaabnimo ee ismaamulka Mombasa.
Waxaa shahaadadii guddoonsiiyay hogaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka, oo sidoo kale shaaca ka qaaday in Sonko uu ku xigeen u noqon doono xildhibaanka Kisauni oo lagu magacaabo Ali Mbogo.
Xildhibaan Mbogo ayaa sidoo kale muujiyay xiisaha uu u qabo tartanka gudoomiyanimo ee Mombasa balse waxaa uu ogolaaday in uu meesha ka saaro hamigiisa kadib wadahadalo la isku afgartay.
Mr Sonko ayaa hadda wajihi doona Abdulswamad Nassir jagadaa barasaabnimo ku matalaya xisboga ODM, Hassan Omar oo isagana ah UDA’s
Mike Sonko waxa isaga baxay xisbiga talada dalka haya ee Jubilee isagoona u guuray xisbiga Wiper .
Barasaabkii hore ee Nairobi ayaa wajahayay eedeymop dhawr ah oo ay ka mid tahay musuqmasuqa isagoona horay u dafiray inuu wax dambi ah lug ku leeyahay.
Tan ayaana keentay in isaga iyo qoyskiisaba uu Maraykanka ka mumnuucay inuu dalkiisa safar ku yimaado.