Axmad saki Yamani oo ahaa wasiirkii wasaaradda shidaalka ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa geeriyooday isaga oo 90 sano jir ah.
Mas’uulkan ayaa ahaa shakhsi muddo dheer xilkaaas hayay wuxuuna ku geeriyooday magaalada London ee boqortoyada Ingiriiska.
Waxaa geeridiisa baahiyay telefishinka dowladda Sacuudiga in kastoo aan la shaacin sabaabta ka danbeeysa geeridiisa.
Wasiirkii shidaalka ee Sacuudi Carabiya ayaa lagu aasi doonaa magaalada barakeysan ee Makka.