Madaxweynaha dalka oo shacabka ku boorriyay inay doortaan hoggaamiyaal xallin karo caqabadaha jira

0
625

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa dadweynaha ugu baaqay inay xilalka hoggaamineed u doortaan madax ay ka go’an tahay mideynta bulshada iyo xallinta caqabadaha wadanka ka jiro.
Xilli uu galinkii dambe ee shalay afur ugu sameeyay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku dhawaad 2,000 oo madaxda muslimiinta ah ayuu sheegay in qaran dhisiddu aynan ahayn arrin fudud.
Mas’uuliyiinta uu madaxweynaha martiqaadka u sameeyay ayaa isugu jiray saraakiil dowladeed, madaxda waaxyaha
Mr. Kenyatta ayaa ku celceliyay in Kenya ay u baahan tahay mas’uul jecel nabadda iyo midnimada oo aynan ku waynayn danihiisa gaarka u ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in loo baahan yahay qof dhibaatooyinka xalliya oo aan cid kale ku eedeyn.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhibaatooyinka nololeed ay weligood jirayaan oo ayna suurtagal tahay inay sare u sii kacaan.
Mr.Kenyatta waxaa uu sido kale kenyaanka ka codsaday inay Alle bari sameyaan si doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay u noqoto mid nabad ah.
Waxaa uu fursaddaasi uga faa’iidaystay inuu sii xoojiyo taageerada uu horay ugu muujiyay musharraxa madaxweyne ee Azimio La Umoja- One Kenya Alliance Raila Odinga isagoo sheegay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu yahay qofka ugu qalmo in bisha Siddeedaad uu kala wareego hoggaanka dalka.
Waxaa uu Uhuru ku tilmaamay Raila shakhsi niyadda ku haya wanaagga Kenya.
Madaxweynaha oo dhanka kale xusay inaysan jirin cid uu naceyb u qabo ayaa ku nuuxnuuxsaday in isla-wayninku iyo faanka aynan ahayn waddada loo maro hoggaanka .
Dhanka horumarka , waxaa uu madaxweynaha sheegay in Kenya ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh oo la xiriira kaabayaasha iyo dhinacyada kale ee dhaqaalaha.
Waxaa uu xusay in aan arrintan lagu guulaysan lahayn haddii wadanka aynan ka jirin nabad iyo degganaansho.
Sidoo kale hoggaamiyaha dalka ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay sameynayso wax kasta oo ay awooddo si loola tacaalo culeysyada nololeed ee ka dhashay saameynta abaarta.
Hoggaamiyeyaasha muslimiinta ee halkaasi ka hadlay ayaa dhankooda madaxweynaha uga mahadceliyay inuu sagaalkii sano ee uu talada wadanka hayay , uu sanad kasta afur ku marti qaadayay.
Wasiirka wasaaradda dalxiiska ee dalka Najib Balala ayaa sheegay in madaxweynaha ay taariikhda xusi doonto marka la eego sida uu uga shaqeeyay mideynta kenyaanka.
Wasiiradda cayaaraha Amina Maxamad , barasaabka ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho , guddoomiyaha golaha sare ee muslimiinta dalka ee (SUPKEM) Xasan Ole Naado, Sheekh Khalifa iyo Sheekh Cabdullahi Cabdi oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in muslimiinta ay kaalin lixaad leh ka qaateen qorshayaasha horumarineed ee maamulka Kenyatta.
Waxay madaxweynaha u ballanqaadeen inay si dhow u taageeri doonaan si uu hoggaanka u wareejiyo iyadoo dalku uu nabad hayay oo uuna u guulaystay waxyaabaha uu qorsheeyay in laga dhaxlo.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa xilli uu jeedinayay farriintiisa ciidda krishtaanka ee Easter waxaa uu kenyaanka ku borriyay inay nabadgalyada ku dadaalaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu rajeynayo in midnimada hadda wadanka ka jirto ay noqoto mid waarta.
Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in la caawiyo qoysaska danyarta ah ee bulshada ku dhex nool.