Agaasimaha fulinta ee Azimio oo sheegay in la xallinaya tabashooyinka OKA

0
428

Agaasimaha fulinta ee isbeheysiga Azimio Raphael Tuju ayaa sheegay in la xallin doono tabashooyin ay qabaan mas’uuliyiinta isbeheysiga OKA oo lagu soo bandhigay bayaan shalay soo baxay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in isfahan waa’ kasta oo jiro uunan marnaba burburi karin isbeheysiga guud ee Azimio-One Kenya .
Shir jaraaid oo uu qabtay Tuju ayuu ka sheegay in arrimaha muranka dhaliyay si hoose looga wada hadli doono.
Waxaa uu intaasi ku daray in madaxweyne dalka Uhuru Kenyatta, hoggaamiyaha ODM Raila Odinga iyo dhigiisa Wiper ay kulan yeelan doonaan si meesha looga saaro khilaaf laga cabsi qabo haddii uu sii xoogeysto inuu saameyn ku yeesho dhinacyadan.
Agaasimaha fulinta ee isbeheysiga Azimio Raphael Tuju ayaa xusay inaysan jirin caqabad wayn oo walaac laga muujiyo.
Hadalka Tuju ayaa ku soo aadaya ka dib markii sida la sheegay isbeheysiga OKA ee ay hoggaamiyaan Kalonzo Musyoka iyo Gideon Moi uu xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed u qoray warqad uu ku dalbanaya in aan la diiwaangelin isbeheysiga guud ee Azimio-One Kenya.
Wararka ayaa tilmaamaya in madaxda dalladdan ay ka soo horjeedaan in garab afaraad oo awood leh lagu soo daro isbeheysiga marka laga soo tago ODM, Jubilee iyo Wiper.
Dhanka kale guddoomiyaha ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa bayaanka OKA ku tilmaamay mid lala yaabo.
Qoraal uu Mutua soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu ku sheegay in OKA ay khaldan tahay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan la joogin xilligii kala qaybsanaan la abuuri lahaa .
Mutua ayaa sheegay in sababta ay u midoobeen isbeheysiyada Azimio iyo OKA ay ahayd mideynta shacabka si loo dardargeliyo horumarka dhaqaale ee wadanka sidaas awgeedna midnimada xisbiyada siyaasadeed ay aad muhiim u tahay.
Waxaa uu ku celceliyay inaysan marnaba hilmaamin inay guul raadinayaan oo siyaasad ahaana tirada ay muhiim tahay.
Guddoomiyaha Machakos ayaa madaxda isbeheysiga OKA kula taliyay inay soo dhaweeyaan in ka badan 20 xisbi oo ka tirsan Azimio.