Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sheegay in doorashada guud ee dalkaasi ay qabsoomi doonto 21-ka bisha Shanaad ee sanadkan.
Tani ayaa horseedaysa olole siyaasadeed oo xooggan oo ku saleysan culeysyada dhanka maciishadda , la tacaalidda isbeddelka cimillada iyo dhaliilo loo jeedinaya xukuumadda Morrison.
Ra’iisul wasaaraha Australia ayaa xusay in hadda aan la joogin xilligii maamulka lagu wareejin lahaa hoggaamiye mucaarad oo lagu magacaabo Anthony Albanese oo sida uu hadalka u dhigay aan weli la tijaabin waxqabadkiisa.
Garabka mucaaradka ee Australia ayaa ku ololeynaya in haddii uu hoggaanka qabo uu isbeddel ballaaran ku sameyn doono dhaqaalaha.