Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta Ambasadoor Paddy Ahenda oo ahaa danjirihii Kenya u fadhiyay dalka Qatar, kaas oo geeriyooday.
Waxaa uu ku tilmaamay inuu ahaa dibloomaasi howlkar ah, oo ay ka go’aneyd, xoojinta xiriirka Kenya ay la leedahay wadanka Qatar iyo dalalka Carabta.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in safiirkan uu wax badan ku soo kordhiyay xeerarka siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya.
Safiirka ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar.
Marwadiisa oo kula sugneyd wadanka Qatar ayaa sheegtay in ninkeeda uu muddo toddobaad ah ku jiray qaybta daryeelka degdeg ah ee loo yaqaano ICU-da, ka hor geeridiisa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in safirka uu u geeriyooday xanuunka maskaxda saameeya ee Istaroogga.
Paddy Ahenda ayaa intii u dhexeysay sanadihii 2005-tii illaa 2017-kii, wuxuu soo noqday xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Kasipul Kabondo ee ismaamulka Homa Bay.
1/3 President Uhuru Kenyatta has sent a message of condolence to the family, relatives and friends of Kenya’s Ambassador to Qatar, Patrick 'Paddy' Cornel Odero Ahenda who passed away while receiving treatment at a hospital in Doha. pic.twitter.com/vZree67fhR
— State House Kenya (@StateHouseKenya) April 4, 2022
3/3 “A loyal and patriotic Kenyan, Amb Ahenda will be remembered for his servant leadership during his diplomatic service and before as the MP for Kasipul Kabondo where he left a strong legacy of development,” ~President Uhuru Kenyatta
Read more: https://t.co/6xvtyhCXld
— State House Kenya (@StateHouseKenya) April 4, 2022