Raila oo ololihiisa geynaya Rift Valley

0
392

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio la Umoja Raila Odinga ayaa lagu wadaa in laga billaabo maanta oo Jimco ah uu ololihiisa siyaasadeed u bandhigo shacabka ku nool gobolka Rift Valley.
Waxaa uu ugu horreyn tagaya ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Raila ayaa halkaasi uga qayb geli doono aaska ganacsadihii caanka ahaa ee dhawaan geeriyooday Jackson Kibor ka hor inta uunan isku soo bax ku qaban deegaanka Iten.
Wararka ayaa tilmaamaya in aaska Kibor uu sidoo kale ka qayb geli doono madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Madaxa xisbiga ODM ayaa berri u sii gudbi doono West Pokot isagoo dadweynaha kula hadli doono goobo kala duwan inta u dhexeysa 10-ka barqanimo ilaa iyo 2:30 galabnimo.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Raila Odinga uu Axadda gaaro ismaamulka Turkana isagoo munaasabad diimeed uga qayb geli doono magaalada Lodwar ka hor inta uunan qaban isku soo bax siyaasadeed.
Socdaalka Odinga ee Rift Valley ayaa imaanaya ka dib markii shalay garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa wadanka ay dhinac iskaga dhigeen qorshaha sharci beddelka ee BBI iyagoo hindisihii lagu soo saaray ku tilmaamay sharci darro.
Mr. Odinga oo shalay soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda ee BBI ayaa xusay inuu warbixin faahfaahsan oo arrintan ku aaddan dib ka soo shaacin doono.