Nakuru oo laga bixiyay in ka badan 70,000 oo sabar loogooyin ah

0
372

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in muddo hal bil gudaheeda ah ismaamulka Nakuru ee gobolka Rift Valley laga bixiyay ugu yaraan 70,000 oo ah warqadaha muujinaya mulkiilayaasha rasmiga ee dhulalka .
Labo sano ka hor ayay ahayd markii maamulka talada dalka haya ee Jubilee uu barnaamijkan billaabay.
Hasa ahaate barasaabka Nakuru Lee Kinyanjui ayaa walaac ka muujiyay in aan weli la soo gabagabeyn dacwado badan oo dhanka dhulka ah kuwaaso weli maxkamadaha hor yaalla.
Waxaa uu sheegay in tani ay caqabad ku tahay qorshaha lagu doonayo in ugu dambeyn dhammaadka sanadkan ismaamulkaasi laga bixiyo 100,000 oo sabar loogooyin ah.