DHAGEYSO:Dowladda dhexe oo sheegtay inay 1.2 bilyan uga falcelisay saameynta abaarta

0
437

Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay dowladda dhexe dhaqaale gaaraya 1.2 bilyan oo shilin ku bixisay barnaamijyada ka dhanka ah saameynta abaarta.
Lacagtan ayuu xusay inay ka faa’iidaysteen shakhsiyaadka u baahan gargaarka cunno ee ku nool 23 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Dowlad deegaannadan oo lagu tilmaamo kuwo oomane ah maadaama aysan roobabku ku badneyn ayaa laga dareemaya saameynta abaarta.
Cyrus Oguna ayaa carrabka ku dhuftay in intii u dhexeysay bishii 12-aad ee sanadkii hore ilaa bishii Febraayo ee sanadkan lacago caddaan ah la siiyay dadka danyarta ah ee dhibaatooyinka u nugul.
Arrintan ayuu afhayeenka dowladda dhexe ka hadlay xilli uu gaaray ismaamulka Makueni.

Waxaa uu intaasi ku daray in 2.8 milyan oo qof oo ku nool ismaamullada Tana River, Makueni, Kitui, Garissa, Marsabit, Samburu, Turkana, Laikipia, West Pokot ,Kajiado, Embu, Isiolo iyo Wajeer ay macluul wajahayaan.
Dowlad deegaannada kale ee ay abaartu saameysay ayaa kala ah Mandera, Tharaka Nithi, Meru, Taita Taveta, Kilifi, Kwale, Machakos, Baringo, Narok iyo Nyeri.
Cyrus Oguna, afhayeenka dowladda dhexe ayaa dhanka kale sheegay inay jiraan waayeello aan weli helin lacagaha ay dowladdu ugu tala gashay maadaama aynan lahayn taleefoono u gaar ah oo loogu soo xawili karo.

Dhanka kale waxaa uu kenyaanka u xaqiijiyay in dowladda dhexe ay adeegsanayso qaab kasta oo suurtagal ah oo lagu xaqiijinaya in doorashada guud ee sanadkan ay u dhacdo si nabad ah.