Sarkaal ilaalo ka ahaa xabsi ku yaalla Kisumu oo is dilay

0
630

Waxaa lagu soo warramayaa in mid ka mid ah saraakiisha ciidamada asluubta oo ilaala ka ahaa xabsiga Kodiaga Maximum ee ku yaalla ismaamulka Kisumu uu is dilay.
Waxaa la rumeysan yahay in dilkiisa uu salka ku haya muran dhanka qoyska ah.
Sarkaalka oo ay da’diisu ahayd 37 sano balse aan magaciisa la shaacin ayaa la sheegay in isaga oo isticmaalaya qoriga nooca loo yaqaano G3 uu abaare 11:30 habeenimo ee xalay isku toogtay albaabka hore ee xabsiga uu ilaallada ka ahaa, uuna isla goobta ku dhintay.
Booliska ayaa laga soo xigtay in askariga uu sakhraansanaa xilligii uu naftiisa ka takhalusayay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaskiisa ay ugu timid albaabka hore ee xabsiga iyadoo weydiisatay lacag ay carruurtooda cunno ugu iibiso.
Hasa ahaate waxaa uu u sheegay in uusan haynin lacag uu siiyo.
Booliska ayaa sidoo kale warbaahinta la wadaagay in sarkaalka uu xaaskiisa u sheegay in carruurtooda ay daryeesho, islamarkaana ay ku wargeliso hooyadiis inuu dhawaan is dilayo.
Dambi baarayaal ka tirsan waaxda dambi baarista ee DCI-da iyo saraakiil ka howlgalo saldhigga booliska Maseno ee magaalada Kisumu oo gaaray goobta uu falkan ka dhacay, ayaa billaabay baaritaano dhacdadan la xiriira sida uu xaqiijiyay taliyaha booliska ee ismaamulka Kisumu Alphonse Peter.
Meydka ayaa loo qaaday goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka wayn ee Jaramogi Oginga Odinga ee dowlad deegaanka Kisumu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here