Guddiga doorashooyinka ee xisbiga Jubilee ayaa kordhiyay muddada ay haystaan oo ay isku diiwaangelin karaan musharraxiinta doonaya in bisha Siddeedaad ee sanadkan ay adeegsadaan tikedhka xisbiga.
Diiwaangelinta ayaa socon doonto ilaa 25-ka bishan Saddexaad.
Tani ayaa loo aaneeyay inay jiraan shakhsiyaad badan oo daneynaya inay ka mid noqdaan musharraxiinta loolanka hoggaanka ku matalaya Jubilee sidaas awgeedna wakhtiga kama dambeyska ah ee horay loo shaaciyay uunan ku filnayn.
Xoghayaha guud ee Jubilee Jeremiah Kioni ayaa musharraxiinta ku boorriyay inay ka faa’iidaystaan fursadda dheeraadka ah ee la siiyay.
Sidoo kale waxaa uu kula taliyay inay xisbiga ka xaqiijiyaan in lagala wareegay dhammaan dokumeentiyada muhiimka ah ka hor inta aan la ansaxin.
Xisbiga Jubilee ayaa amar ku bixiyay in dhammaan codsiyada lagu gudbiyo qaab online ah iyadoo la adeegsanaya shabakadda rasmiga ee xisbiga.