Wasiirka tacliinta oo beeniyay inuu jiro imtixaan u dusay ardayda

0
475

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aynan jirin warqad imtixaan oo ay xilli hore heleen ardayda sameynaya imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Waxaa uu wasiirku xusay in dhammaan warqadaha la geeyo goobaha imtixaanka iyagoo leh qaab looga hor tagaya in la sii faafiyo.
Magoha ayaa warbaahinta u sheegay inuusan jirin imtixaan ardayda loo dusiyay ama ay heli doonaan ka hor wakhtiga loogu talagalay.
Waxaa uu u mahadceliyay saraakiisha uu howlgeliyay golaha imtixaannada qaran ee KNEC oo uu xusay inay mas’uuliyad gaar ah iska saareen ka hor tagga xatooyada.
Wasiir Magoha ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha wasaaradda waxbarashada iyo koox ka tirsan waaxda dambi baarista ee DCI-da ay iska kaashadeen in lala tacaalo koox iskudayaysay inay ardayda ka caawiso xatooyada imtixaanka shahaaddiga ah.
Dhanka kale wasiir Magoha ayaa laga billaabo maanta oo Isniin ah maareyaasha xarumaha imtixaanka ka mamnuucay inay taleefoonnada gacanta ku dhex haystaan xarumahan.