Bangiga adduunka oo Kenya ku taageeraya 87.5 bilyan oo shilin

0
426

Bangiga adduunka ayaa ansaxiyay dhaqaale dhan 87.5 bilyan oo shilin una dhiganta 750 milyan oo doolar oo lagu garab istaagaya dowladda Kenya.
Lacagtan ayaa loogu tala galay dardargelinta arrimaha horumarka.
Waxaa la filayaa in maalgelintan ay xoojiso daahfurnaanta iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Agaasimaha bangiga adduunka ee Kenya ,Keith Hansen, ayaa dowladda dhexe ku bogaadiyay horumarka ay ilaa iyo hadda gaartay in kastoo cudurka COVID-19 uu sababay dhibaatooyin dhaqaale.
Waxaa uu intaasi ku daray in bangiga adduunka uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Kenya si loogu guulaysto qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha wadanka.