Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta uu ka baxay ganacsade iyo beeraley caan ahaa oo ka soo jeeday magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu, Jackson Kibor oo geeriyooday.
Kibor ayaa xalay geeriyooday isagoo 88 sano jir ah sida ay xaqiijiyeen xubnaha qoyskiisa.
Qoraal uu William Ruto soo saaray ayuu ku sheegay in odaygan oo lagu yaqaanay u ololeynta ‘danaha’ ragga uu ahaa shakhsi go’aan adag leh.
Waxaa uu ku tilmaamay qof dadaal badnaa oo si bareer ah uga hadli jiray waxyaabaha uu aaminsan yahay.
Kibor ayaa lagu xusuustaa hal hayska ‘Men’s Conference’ ama shirka ragga oo ku saleysnaa mowqifkiisa dhanka guurka.
Bishii Tobnaad ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii maxkamadda Eldoret ay u fasaxday inuu furo xaaskiisi labaad Josphine Jepkoech oo ay wada noolaayeen 52 sano taasoo hadal hayn ballaaran dhalisay.
Waxaa inta badan magaciisa la soo hadal qaadaa maalinka jaceylka ee Valentine isagoo ay guddoomiye u aqoonsadeen ragga aan la dhacsanayn xuskaasi.
Qaar ka mid ah xubnaha qoyska Kibor ayaa warbaahinta u warramay.
Our love and prayers to the family and friends of Mzee Jackson Kibor at this time of grief. Mzee was firm, industrious and vocal on issues he believed in. Rest In Peace Mzee Kibor. pic.twitter.com/w3ZZjfaM4i
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) March 17, 2022