Waxaa lagu wadaa in toddobaadkan gudihiisa uu wadanka safar rasmi ah ku imaado ergeyga gaarka ah ee ay dowladda Shiinaha dhawaan u soo magacawday geeska Afrika Xue Bing.
Safarkan ayaa noqonaya socdaalkiisi ugu horreeyay ee gobolka.
Xue ayuu qorshuhu yahay inuu Isniinta soo socoto ee 21-ka bishan uu kulan la qaato madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Ambasadoor Raychelle Omamo.
Intaasi ka hor waxaa uu maalinka Jimcaha la kulmi doonaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda Macharia Kamau si ay uga wada hadlaan nabadgalyada iyo ammaanka gobolka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa laga soo xigtay in safarka Xue Bing uu xoojin doono xiriirka ka dhexeya labada dal ee la tacaalidda isbeddelka ku yimaada cimillada , gargaarka baniaadannimada iyo barakaca.