Dowladda dhexe ayaa si ku meel gaar ah u hakisay howlgal lagu waday inuu maanta billowdo oo la xiriira waaxyaha gaadiidka oo lagu bartilmaameedsanaya baabuurta dadweynaha , kuwa sida gaarka ah loo leeyahay iyo gawaarida ganacsiga.
Tani ayaa timid ka dib markii howlwadeennada gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Mataatuuda ay meesha ka saareen shaqo joojin ay ku hanjabeen inay maanta ku dhaqaaqayaan.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay qireyso kaalinta gaadiidka dadweynaha uu ku leeyahay fududeynta socdaalka kenyaanka iyo kobaca dhaqaale ee wadanka.
Afhayeenka booliska dalka Bruno Shioso ayaa sheegay in mustaqbalka dhow, ururarda gaadiidka dadweynaha ee PSVs laga qayb gelin doono howlaha kala duwan ee lagu wanaajinayo adeegyada ay u fidiyaan shacabka.