Madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga ayaa sheegay in hadii uu ku guulaysto la wareegidda hoggaanka ugu sarreya dalka, uu wada tashi la sameyn doono madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Mr. Odinga oo wareysi gaar ah siiyay BBC qaybteeda sawaxilliga ayaa xusay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu muddo xileedkiisa labaad marar badan isaga kala tashtay arrimaha qaranka sidaas awgeedna haddii uu madaxweyne noqdo uu talo weydiisan doono.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in marka Uhuru Kenyatta uu hoggaanka wareejiyo ay jiraan waxyaabo badan oo uu qaban karo oo ay ka mid tahay ganacsi ama safiirnimo.
Dhawaan ayay ahayd markii uu hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta taageeray musharraxnimada Raila Odinga taasoo siyaasiyiinta xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto ay dhaliileen.