Aqalka sare ee Maraykanka oo taageeray in la baaro dembiyada dagaal ee Ruushka

0
311

Senatarrada aqalka sare ee Maraykanka ayaa si aqlabiyad leh codkooda ugu taageeray qaraar dhigaya in baaritaano lagu sameeyo madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo dowladiisa ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in duullaanka militari ee lagu qaaday Ukraine ay ka dhasheen dembiyo dagaal.
Xubnaha senate-ka Maraykanka ayaa caddeeyay inay si adag u cambaareynayaan rabshado , dembiyo dagaal iyo falal ka dhan ah xuquuqul aadanaha oo ay xukuumadda Moscow tan iyo 24-kii bishii hore ay ka gaysanayso gudaha dalka Ukraine.
Tani ayaa maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC ku dhiirrigelinaysa inay baaritaano ku sameyso madaxweyne Putin, golihiisa ammaanka iyo madaxda ciidamada difaaca ee dalkaasi.